Skip to main content

QISO CAJIIBA

Toddobaatameeyadii, ganacsatada waaweyn ee Dimashiq mid kamid ah baa waxa ku dhacay cudurka Kansarka, xilligaasna dalka Suuriya waxba loogama qaban karin.



Ganacsadihii waxa uu go’aansaday in uu Maraykanka u duulo, si uu daawo uga raadsado. Markii uu baaritaannadii oo dhan maray, buu dhaqtarkii daweynayay si cad ugu yiri: “Daweyntu wax faa’iido ah kuu kordhin mayso. Kansarku uur-ku-jirtaada oo dhan buu ku faafay, wax rajo ahina iima muuqato, muddo bil ka yar baanad noolaan doontaa. Taladaydu waa in aad dalkaaga iskaga noqotid ood muddada nolosha kaaga harsan wixii aad jeceshahay samaysid ood raaxaysatid”.


Ganacsadihii waxa uu iskaga laabtay Dimashiq, bishii loo qabtay oo toban cisho ay ka tagtay. Waxa uu billaabay in waqtiga ay naftu ka baxayso uu iska sugo.


Maalin roob da’ayo, ayuu dareemay inay neeftu ku xirmayso, wadnihiisuna cabbursan yahay. Markaas inta uu guriga ka baxay buu luga baxsi iska aaday, si uu hawo fareesh ah usoo qaato. Muddo markii uu socday, buu meel jardiin ah nasasho u fariistay.


Halka uu fariistay meel u dhow waxaa ku murmayay gabar aan weli da’ labaatanaad gaarin iyo wiil quruxlow ahoo si wacan u lebbisan, lagana dareemayo in uu reero ladan ka dhashay.


Wiilka hantiilaha ahi xil iskama aanu saarin ganacsadaha xanuunsan, waxana uu sii watay dooddii uu gabadha ay saboolnimadu ka muuqato kula jiray. Waxa uu kula gorgortamayay jirkeeda. Waxa ay wiilka u sharxaysay baahida ay u qabto xoogaa lacag ah iyo raashin inay hesho. Waxay ku beer laxawsanaysay in ninkii ay guriga ka kiraysatay uu alaabadii iyada iyo carruurteeda dibadda ugu soo daadiyay. Hase yeeshee wiilku ma aanu tixgelin duruufteeda, waxana uu u qaatay inay sirayso. Waa uu diiday in uu bixiyo lacagtii ay dalbatay. Waxa ay kula gorgortamaysay jirkeeda caatada ah, waxana uu ku rabay qiime jaban.


Keddib inta uu ka dhaqaaqay buu iska tegay, markii ay diidday lacagtii ay u baaahnayd wax ka yar.


Ganacsadihii inta uu gabadhii usoo dhowaaday, oo uu arkay illinta calool xumo ee dhabannadeeda ka hooraysa, ayuu ku yiri: “Iga raalli ahow gabadhaydii. Waxan maqlay dooddiinna, ee sidee wax u jiraan? Maxaase kugu qasbay hawshaan foosha xun?”


Inta ay eegtay, bay waxay ku tiri: “Carruurtaydii ayaa waddada jiijiifa, ninkii guriga lahaana dibadda ayuu inoo soo tuuray, ninkaygiina xabsi ayuu ku jiraa oo intii muddo ah warba kama haayo, wax qaraabo ahoon gacan togaaleeyana ma lihi. Allaha samada taagay baan ku dhaartaye waa markii iigu horreysay oon isku dayo in aan naftayda iibiyo, keddib markii albaabbadii kale oo dhami iga soo xirmeen, albaabkaan laftiisuna, sida aad aragtid, waa ii furmi la’ yahay”.


Ganacsadihii jirranaa waxa uu yiri: “Gabadhaydii, i maqal. Maxaad iigu abaalgudaysaa haddii aan ku baahi tiro, oon cimrigaaga inta ka dhiman wax kugu filan oo faqri dambe kaa ilaaliya aan ku siiyo?”


Waxay tiri: “Wax allaale iyo wixii aad rabtid i weydiiso”.


Waxa uu yiri: “Hal wax keliya ayaan kaa rabaa. In aad iga ballan qaaddid in aanad weligaa dambe jirkaaga xaaraan ku iibinayn, adiga iyo carruurtaadana anigaa idin kafaala qaadaya”.


Waxay tiri: “Shaki ma laha oo waan oggolahay”.


Waxa uu yiri: “Sideeen kugu aaminayaa? Yaa ii damaanad qaadaya in aad ballantaas fulinaysid?”


Waxay tiri: “Ma oggolaanaysaa in Illahay aan damiin ka dhigto? Allaha cid aan isaga ahayni aanay ina maqlayn baan marqaati uga dhigay in ballanta aan kaa qaaday aan fulin doono inta noloshayda ka harsan, iyo in aan Alle ku mahadin doono in uu waqtigaan iisoo kaa diray”.


Waxa uu yiri: “Waan heshiinnay, Ilaahay baanan marqaati ka dhigannay”.


Waxa uu yiri: “Cinwaanka lagaa helo isii, carruurtaadiina u laabo oo agtooda igu sug, wax yar keddib baan kuu imaan doonaaye”.


Ganacsadihii si degdeg ah buu xafiiskiisii ugu laabtay. Dardaarankiisii ayuu warqaq ku qoray, waxana uu geliyay khasnaddii ay lacagtu ugu jirtay. Dardaaranku waxaa uu u qornaa sidatan:

[3:05 AM, 5/6/2024] Atam: “ Carruurtaydii baarriyaasha ahaa, waxan idinkula dardaarmayaa in aad bil kasta mushaar shan qof ku filan u dirtaan cinwaanka hoos ku qoran, weligiinna aad joogtaysaan. Dardaarankaygaas fuliya keddib marka aan dhinto”.


Keddib, inta uu xafiiska lacag ka qaaday oo suuqa tegay, buu gaari dhan oo wax kasta oo gurigeedu u baahnaa ay ku raran yihiin u geeyay, ninkii guriga lahaana deyntiisii inta uu bixiyay, buu saddex sano kiradiisii hormaris u siiyay. Sidaas oo kale ayuu dhammaan dukaamadii ay daynta ka qabtay xisaabohoodii u wada siiyay.


Ganacsadihii waxa uu gurigiisa ku laabtay iyadoo laabtiisa ay farxadi ka buuxdo, in kastoo uu bisha dhammaadkeeda geeri sugayo. Bishii ayaa dhammaatay, muddadii ay dhaqaatiirtu u qabteenna waa la gaaray. Hase yeeshee geeridii gacan laguma haayo.


Bishii xigtay billowgeedii ayuu gurigii gabadha iyo ciyaalkeeda tegay, inta uu mushaarkeedii farta ka saarayna, waa uu kasoo gaddoomay.


Maalmihii ayaa is raacraacay, ganacsadihiina ma aanu dhiman. Sidaas buu mushaarka gacantiisa ugu geynayay bilba bisha ka dambaysa. Sanad baa la gudbay. Mid labaad iyo mid saddexaad, dardaarankiina waxa uu khasnaddii lacagta ku jiray muddo labaatan sano ka badan.


Maalin maalmaha kamid ah, ganacsadihii salaad subax buu u kacay. Isaga oo sujuudsan oo qalbigiisa nuur, iimaan iyo yaqiini ay ka buuxaan bayna naftii ka baxday.


Muddadii tacsidu markii ay dhammaatay, wiilashiisii waxay fureen khasnaddii lacagta, waxayna ka heleen dardaarankii qoraalka ahaa.


Kii ugu weynaa waxa uu yiri: “Gabadha faqiirka ah toddoba beri baannu mushaarka kala daahnay”. Keddib, lacagtii inta uu qaaday buu degdeg u aaday gurigii gabadha, isagoo raacaya cinwaankii warqadda ku qornaa.


Albaabkii ayuu garaacay.


Inslaan baa kasoo baxday, aan gabar ahayn sidii uu filayay, maxaa yeelay labaatan sano kahor bay gabar dhallinyar ahayd, iminkase waa islaan.


Lacagtii ayuu u taagay isagoo leh: “Hoo, waa mushaarkaagii, kana raalli ahow in aan toddoba beri kaasoo daahinnay”.


Indheheeda oo illintu ka da’ayso, waxay tiri: “Aad baan idiinku mahad naqayaa. Aabbahaa u sheeg in uu qof kale oo u baahan siiyo. Wiilkayga ayaa mushaarkiisii ugu horreeyay toddoba beri mar laga joogo soo qaatay, hadda wixii ka dambeeyana waan isku filannahay. Aabbe igu salaan, una sheeg in inta aan noolahay aan u ducayn doono”.


Ganacsadaha curadkiisii isagoo islaantii indho ilmoonaya ku eegaya, ku yiri: “Aabbahay toddoba beri mar laga joogo ayuu dhintay!” (Toddoba beri).

————————————————————


Waa sidaas marka Ilaahay ganacsi lala galo, faa’iido aan xad lahayn baa laga helayaa. Haddaba, dadoow samafalka badiya, Alle agtiisa ayaad khayr iyo ajar aan la koobi karin ka helaysaan eh.


U fiirso, ganacsadahaas Alle waxa uu noloshiisa u dib dhigay baahida ay gabadhaasi masruufiddiisa u qabtay. Markii ay baahidii masruufiddu dhammaatayna, noloshiisii ayaa dhammaatay. Subxaanallaah!!!

Comments

Popular posts from this blog

Libaan cabdi cali

  maxaad ka taqaana ciyaartoyga soomaliga ah ee caanka  Libaan cabdi cali   waa ciyaaryahan Soomaaliyeed oo ka ciyaara garabka bidix. Waxa uu hore ugu soo ciyaaray kooxo kala duwan sida Sheffield United ee England,Ferencváros ee Hungary,Olhanense ee Portugal,iyo FK Haugesund ee dalka Norway.  Cabdi wuxuu ku dhashay Soomaaliya, wuxuuna ku koray Norway, wuxuuna heystaa dhalashada Norway Nolashii hore ee abdi Cabdi waxa uu ku dhashay magaalada Burco ee Somaliland 1988-kii, yaraantiisii ​​waxa uu ku qaatay magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaas oo uu ku qaatay dugsi hoose iyo dhexe labadaba Manta waxaa uu ka midyahay ciyaartoyda loogu jecelyahay dunida Sidoo kale wuxuu kamid yahay dadka ugu caansan soomaaliya

Waa Injineerkii dhisay Labada Masjid ee Xaramaynka Makkah iyo Masjidka Nabi Maxamed SCW ee Madiina. Magaciisu waa Mohamed Kamal Ismail.

Ninkaan wuxuu lee yahay taariikh Muhim ah oo ku xusnaan doonta Diiwaan ka Taariikhda Muslimiinta ee Casriga. Ninkaan aad ujeedaan markii uu diyaarinayay dhismaha cusub ee Masjidka Kacbada iyo Masjidka Nabi Maxamed SCW,  waxaa loo balan qaaday maal adduun iyo dhaqaale badan, balse wuu diiday oo wuxuu yiri ma Aniga ayaa dhismaha Masjidka Kacbada Iyo Masjidka Nabi Maxamed SCW ka qaata lacag? Maya waxaan ku dhisayaa Lacag la’aan si aan Aakhiro Ajar uuga helo. Intaa wixii ka danbeeyay waa Sheeko dheer balse hal ama labo Sheeko aan idin sheego. Marmarka ama Mutuleelkii yaal Masjidka Kacbada ee qabow hal buur oo dunida ku taal ayaa laga helayay oo ku taal Dalka Greece ama Giriiga. Eng Maxamed, wuxuu u dhoofay dalka Greece si uu u soo iibiyo Mutuleelkaas oo wuxuu soo helay isla kii uu rabay dib ayuuna Makkah ugu soo laabtay. Muddo kaddib markii qeybaha hoose ee Saxanka Kacbada ama Madaaf loo yaqaan lagu xiray Mutuleelkii tijaabada ahaa qoraxduna aysan waxba ka tari oo qabow laga helay dadk...