Toddobaatameeyadii, ganacsatada waaweyn ee Dimashiq mid kamid ah baa waxa ku dhacay cudurka Kansarka, xilligaasna dalka Suuriya waxba loogama qaban karin. Ganacsadihii waxa uu go’aansaday in uu Maraykanka u duulo, si uu daawo uga raadsado. Markii uu baaritaannadii oo dhan maray, buu dhaqtarkii daweynayay si cad ugu yiri: “Daweyntu wax faa’iido ah kuu kordhin mayso. Kansarku uur-ku-jirtaada oo dhan buu ku faafay, wax rajo ahina iima muuqato, muddo bil ka yar baanad noolaan doontaa. Taladaydu waa in aad dalkaaga iskaga noqotid ood muddada nolosha kaaga harsan wixii aad jeceshahay samaysid ood raaxaysatid”. Ganacsadihii waxa uu iskaga laabtay Dimashiq, bishii loo qabtay oo toban cisho ay ka tagtay. Waxa uu billaabay in waqtiga ay naftu ka baxayso uu iska sugo. Maalin roob da’ayo, ayuu dareemay inay neeftu ku xirmayso, wadnihiisuna cabbursan yahay. Markaas inta uu guriga ka baxay buu luga baxsi iska aaday, si uu hawo fareesh ah usoo qaato. Muddo markii uu socday, buu meel jardiin ah nasash...
Fahanka nolasha waa madal loogu talagalay inaad ka dheegato xog ku sabsan nolasha sidaTaaiikhaha,dhaqanka iyo xogo badan
Comments
Post a Comment