Waa Injineerkii dhisay Labada Masjid ee Xaramaynka Makkah iyo Masjidka Nabi Maxamed SCW ee Madiina. Magaciisu waa Mohamed Kamal Ismail.
Ninkaan wuxuu lee yahay taariikh Muhim ah oo ku xusnaan doonta Diiwaan ka Taariikhda Muslimiinta ee Casriga. Ninkaan aad ujeedaan markii uu diyaarinayay dhismaha cusub ee Masjidka Kacbada iyo Masjidka Nabi Maxamed SCW,
waxaa loo balan qaaday
maal adduun iyo dhaqaale badan, balse wuu diiday oo wuxuu yiri ma Aniga ayaa
dhismaha Masjidka Kacbada Iyo Masjidka Nabi Maxamed SCW ka qaata lacag? Maya
waxaan ku dhisayaa Lacag la’aan si aan Aakhiro Ajar uuga helo. Intaa wixii ka
danbeeyay waa Sheeko dheer balse hal ama labo Sheeko aan idin sheego. Marmarka
ama Mutuleelkii yaal Masjidka Kacbada ee qabow hal buur oo dunida ku taal ayaa
laga helayay oo ku taal Dalka Greece ama Giriiga. Eng Maxamed, wuxuu u dhoofay
dalka Greece si uu u soo iibiyo Mutuleelkaas oo wuxuu soo helay isla kii uu
rabay dib ayuuna Makkah ugu soo laabtay. Muddo kaddib markii qeybaha hoose ee
Saxanka Kacbada ama Madaaf loo yaqaan lagu xiray Mutuleelkii tijaabada ahaa
qoraxduna aysan waxba ka tari oo qabow laga helay dadkuna dhibsan ayuu Farxay oo
ii dareemay inuu ku guuleystay arrintaas. Sheekada labaad ayaa ah 15-sano mar
laga joogo Maalin maalmaha kamid ah boqorka Dalka iyo maamulihii shirkadda
dhismaha Xaramka ee Bin Laden u yeereen Eng Maxamed Kaamil, oo ay ku
dhaheen isla Mutuleelkii waa in lagu dhisaa Masjidka Nabi Maxamed SCW ee
Madiina. Sida laga wariyo Taariikhda maalintaas wuu carooday oo wuxuu rabay in
hal mar loo diro Mutuleelada. Dib ayuu ugu noqday Dalka Giriiga oo wuxuu u
tagay shirkadii uu ka iibiyay Mutuleelkii hore, wuxuu weydiiyay in ay hayaan
Mutuleelkaas oo kale. Nasiib daro waxay dhaheen ma hayno waa naga dhamaaday
lamana samayn karo. Aad ayuu u naxay una carooday,
waxaa ku qaadataan Lacag la’aan Mutuleelkaan. Aakhiro Xagee Eebbe ka
galayaa haddii aan maanta lacag ka qaado Masjidkii Nabi Maxamed SCW lacag
la’aanta ku dhisay? Ma doonayo lacag waa Sadaqaystay Mutuleelkaas. 18-Sano
Kaddib in Eebbe la kulansiiyo Eng Kaamil Mutuleelkaas waxay ahayd wax aan la
fili karin marka la eego sida adduunka u dhismayay oo casri ah balse Eebbe ayaa
xigmad kale ka rabay.
Eng Maxamed Kaamil, wuxuu ku dhintay 99-Sano jir Isagoo ah. Waa Maalin
Jimce ah Eebbe ha u naxariisto isaga iyo qof walba oo kaalin ku lahaa Dhismaha
Masaajidada Kacbada iyo Masjidka Nabi Maxamed SCW. Eng Kaamil wuxuu u dhashay
Dalka Masar
W/Q: ATAM OMAR
Comments
Post a Comment